Det är oundvikligt att präglas av svensk kultur när man bor i Sverige. Att man tar till sig det svenska innebär däremot inte att man förnekar den somaliska kulturen. Man kan var både och, både svensk och somalier. Om detta skriver gästbloggaren Abdullahi Maxamed, 21 år, och student på Malmö Högskola där han läser om migration och etniska relationer.

Abdullahi Maxamed är dagens skribent och student på Malmö Högskola.
Det finns en uppfattning bland svenskar om invandrare som är både föråldrad och felaktig. I Sverige, som redan på 60-talet upplevde en stor arbetskraftsinvandring, ser man fortfarande invandrade turkar som turkar och inte som svenskar. Likadant med alla andra nationaliteter. En gambian i Sverige förblir gambian, en somalier förblir somalier osv. Och detta trots att många invandrar-ungdomar identifierar sig mer med svensk kultur än sin egen eftersom de är födda i Sverige eller har föräldrar som är födda i Sverige.
Men att vara till exempel svensk-somalier utesluter absolut inte det ena eller det andra utan handlar mer om att man har en fot i varje kultur. Det är enligt min mening omöjligt att leva i ett land under större delen av sitt liv utan att påverkas av landets kultur.
Min personliga uppfattning är att Sverige som land präglar unga somalier mer än vad Somalia gör. Många somaliska ungdomar som är födda i Sverige åker aldrig till Somalia, de talar mycket bättre svenska än somaliska och kan mer om det svenska samhället än det somaliska.
Nu menar jag inte att dessa ungdomar ser ner på somalisk kultur och sitt hemland. Det är andra faktorer som gjort att de mest av allt ser sig som svensk-somalier eller somalia-svenskar.
Jag är personligen väldigt präglad av svensk kultur. Jag talar till exempel mycket bättre svenska än somaliska. Och jag känner till mer om svensk kultur än somalisk. Detta är förståeligt om man ser till min bakgrund.
Redan på dagis sjöng jag ”Gubben i lådan”, tittade på ”Björnes Magasin”, mitt favoritprogram på
Bolibompa. Som liten planterade jag rödbetor, gick på styltor och gjorde snögubbar med mina kamrater. Den svenska kulturen blev en del av mitt liv redan i tidig ålder och har fortsatt att prägla mig. Det problematiska har varit att jag aldrig varit tillbaka i Somalia vilket har påverkat min förmåga att prata somaliska.
Det somaliska språket är väldigt säreget. Även om man talar somaliska bra nog för att göra sig förstådd, diskutera och föra en konversation är den fortfarande inte tillräckligt bra för att interagera med den äldre generationen eftersom de talar en mycket avancerad form av somaliska. Detta gör att många unga somalier likt mig själv kan hamna i situationer där de känner sig utstötta av vuxna somalier. I Sverige finns idag en stor klyfta mellan unga och äldre.
Personligen kan jag medge att det är väldigt frustrerande att befinna sig i ett slags moment 22. Jag kan ofta känna att jag varken passar in i det svenska samhället, trots att jag praktiskt taget är lika svensk som någon annan, eller i den somaliska folkgruppen eftersom jag inte talar tillräckligt bra somaliska, klär mig svenskt och för mig på ett sätt som är främmande för äldre somalier. Jag är ibland rädd att många äldre tror att man helt kommer att förlora sitt somaliska arv och sin muslimska tro om man tar till sig för mycket av det svenska. Men man kan vara svensksomalier och ändå stolt över sin somaliska bakgrund och bevara sin tro. Man måste inte bli sekulariserad för att man bor i ett sekulariserat land.
Min åsikt är inte att man ska glömma sin somaliska kultur. Man ska värna om den somaliska kulturen, seder, traditioner och bruk eftersom Somalia är vårt hemland. Men samtidigt måste vi inse att den svenska kulturen har en betydelsefull roll i mångas liv, speciellt för somaliska ungdomar som är uppväxta i Sverige. Jag önskar att den äldre generationen välkomnade den svenska kulturen i sina liv precis som vi ungdomar redan gjort. Det är inte motsägelsefullt att vara svensk-somalier utan endast en hyllning till den egna kulturen samtidigt som man inser att man är väldigt mycket präglad av den svenska.
Viva Somalia & Sverige!
————————————————————————————————
Här följer Abdullahi Maxameds text på somaliska.
Waa hubaal in dhaqanka iswiidhishku kugu yeelanayo raad mar haddii aad ku nooshahay Iswiidhen. Inaad wax ka qaadato dhaqanka iswiidhishku ma aha micaneedu inaad dhinaca isaga tuurto dhaqanka soomaaliga. Labada dhaqanba waad wada leedahay - waxaad tahay iswiidhish iyo soomaali labadaba. Arintaa ayuu wax ka qorayaa Cabdullahi Maxamed oo ah 21 jira iyo arday jaamacadda Malmö ka barta ”Haajirka iyo xiriirka qowmiyadaha”.
Waxa jira fikir gaboobay oo qaldan oo ay dadka iswiidhishku ka aaminsan yihiin dadka ajnabiga ah. Dalkan Iswiidhen, oo ilaa iyo 60-meeyadii dad badan oo ajaanib ahi imanayeen, ayaa wali dadka ajnabiga ee turkida loo arkaa iney yihiin dad aan aheyn iswiidhish balse wali ah turki. Sidaa oo kale ayaa ajnabi loogu arkaa dhamaan qowmiyadaha kale ee ku nool dalkan. Matalan qofka ka yimid Gaambiya ayaa waligii ahaanaya gaambiyaan, soomaali waligii waa soomaali iwm. Arinkan ayeysan waxba iska bedelin iyadoo dhalinyaro badan oo ajaaniib ahi ay in badan isu arkaan in dhaqanka iswiidhishka raad weyn ku leeyahay marka loo eego kan ay ka yimaadeen maadaama ay ku dhasheen Iswiidhen ama waalidkoodu ku dhashay dalkan.
Qofka dareemaya inuu yahay iswiidhish-soomaali ma aha micnaheedu wax kale ee waxa ay noqoneysaa in qofkaasi labada dhaqanba ku leeyahay lug. Waxaan u arkaa inaaney macquul aysan aheyn inaad ku noolaato dal inta badan noloshaada haddana uusan saameyn kugu reebin dhaqanka dalkaa.
Aragtideyda shaqsiyadeed ayaa ah in Iswiidhen dal ahaan ay raad ku reebeyso dhalinyarada soomaalida ah, in ka badan raadka Soomaaliya ay ku reebeyso. Dhalinyaro badan oo soomaali ah kuna dhashay Iswiidhen ayaan marna tegin Soomaaliya , dhalinyaradaa ayaa aqoonta ay u leeyihiin bulshada iyo afka iswiidhishka ay ka badan tahay tan ay u leeyihiin bulshada soomaaliga iyo af soomaaliga.
Ulama jeedo in dhalinyaradani iney yasayaan dhaqanka soomaaliga iyo dhulkooda hooyo. Laakin sababo kala duwan ayaa keenaya iney iyaga badankoodu isu arkaan iney yihiin iswiisdhish- soomaali ama soomaali-iswiidhish.
Matalan aniga shaqsiyan waxaa raad weyn igu reebay dhaqanka iswiidhishka. Afka iswiisdhishka ayaa igaga sahlan kan soomaaliga. Inta aan ka garanayo dhaqanka dalkan ayaa ka badan aqoonta aan u leeyahay dhaqanka soomaaliga. Tani ma aha wax la yaab leh marka la eego meesha aan ku soo barbaaray.
Bilowgiiba dugsiga xanaanada ayaan waxa ku heesayey ”Gubben i lådan”, waxan telefishanka ka daawanayey ”Björnes Magasin”, oo ahaa barnaamijka caruurta ee aan ugu jeclaa ee Bolibompa. Caruurnimadeydii waxaan beerayey bataati, waxan ku soconayey qoryo dhaadheer anigoo xiliga qaboobahana saaxibadeey la sameynayey qof baraf ah (waxybaaha kala duwan ee caruurtu sameyso markey ciyaarayaan dalka Iswiidhen). Dhaqanka iswiidhishka ayaa yaraanteeydiiba noqday qeyb nolasheyda ka mid ah taasoo raadkeedu wali nolosheyda saameyn ku leeyahay. Dhibaatadu waxey ka taagneyd inaanan wali ku noqon Soomaaliya taasoo wiiqday aqoonta aan u leehay afka soomaaliga.
Afka soomaaligu waa af qaasa. Xataa qofka ku hadla soomaali ku filan kaasuu dadka wax ugu sheegi karo, kula munaaqishoon karo isla markaana wada hadalna ku sameyn karo haddana ma noqanayo af ku filan qofka si uu qeyb uga noqdo faca isaga ka weyn maadaama ay ku hadlayaan af soomaali heerkiisu aad u sareeyo. Arintan ayaa keeneysa in dhalinyaro soomaali ah oo badan oo ila mida ay ka hor iman karaan caqabado keeni kara iney dareemaan in dadka waaweyn ee soomaalida ahi aysan daneyneyn iyaga. Dalkan Iswiidhen iminka waxa jira farqi weyn oo u dhexeeya dhalinyarada iyo waalidka ama dadka waaweyn.
Anigaa qiraya in culeys badani hor taagan yahay dhalinyarada iyagoo dareemaya iney cidlo haahaabayaan. Waxan marar badan dareemaa inaanan ka mid aheyn bulshada dalka Iswiidhen, in kastoo aan marka dhan walba laga eego aan ahay iswiidhish sida dhalinta u dhalatay dalkan. Dareen kaa la mida ayaa iga heysta dhinaca soomaalida maadaama aanan ku hadlin af soomaali igu filan, aan xirto dharka dhalinyarada dalkaani ay xirtaan isla markaana aan u dhaqmo si ka duwan faca iga da’da weyn ee soomaalida ah. Waxan mararka qaar ka baqaa in faca waalidka ay u arkaan inaan lumineyno dhaqanka soomaaliga iyo islaanimada marka aanu wax badan ka qaadano dhaqanka iswiidhishka. Laakin ma aha wax iska hor imaanaya inaad adigoo ah iswiidhish-soomaali haddana sharafto meesha aad ka soo jeedo ee ah soomaali iyo diintaada. Qasab ma aha inaad cilmaani noqoto sababtoo ah inaad ku nooshahay dal cilmaani ah.
Ujeedadeydu ma aha in la iloowo dhaqanka soomaaliga. Waa in la dhowraa dhaqanka soomaaliyeed, hiddaha iyo caadada maadaama aynu nahay dad soomaali ah. Haddana waxan meesha ka maqneyn in la ogaado in dhaqanka iswiidhishku qeyb muhim ah ka ciyaarayo nolosheena, qaas ahaan dhalinyaradeena soomaaliyeed ee ku koraya Iswiidhen. Waxaan jeclaan lahaa in faca naga weyni u soo dhoweeyo dhaqanka iswiidhiska sida dhalinyarada oo kale. Dhibaato ma ahan in qofku yahay iswiisdhish-soomaali taasina sharaf u tahay dhaqankeena isla markaan waxey taasi cadeyneysaa sida weyn ee dhaqanka iswiidhishku raadka inoogu yeeshay.
Ha noolaato Soomaaliya, ha noolaato Iswiidhen!
Översättning: Samme Bogad
Senaste kommentarer